Isbahaysiga NATO ayaa sameeyay dhoolatuskii ugu horreeyay oo Mareykanka uusan qayb ka noqon, kaasoo ay ka qaybgaleen ciidamo iyo qalab ka socda Yurub iyo Canada.
Dhoolatuskan oo ka dhacay xeebaha Iceland uu la xiriiray sida la isaga caabiyo , loona helo maraakiibta quusa ee gujiska nukliyeerka xambaara,tallaabo la sheegay inay qayb ka tahay isku diyaarinta weerarro ka imaan kara Ruushka, sida uu maanta baahiyay wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Politico.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay howlgalkan oo taliye Faransiiska ah uu hoggaaminayay inay reer Yurub ku soo bandhigayeen Mareykanka oo ka maqan inay awoodaan duullaan kasta oo Ruushka uga yimaada inay iska difaacaan.
