Isku-dhacyo dhexmaray ciidamada dowladda Yemen ee ay taageerto Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta ayaa sababay dhimashada in ka badan 60 qof, sida ay wakaaladda wararka ee AFP u sheegeen ilo dhanka caafimaadka iyo milatariga ah.
Sida lagu sheegay warbixintan, dad rayid ah ayaa sidoo kale ka mid ah dadka dhintay.
AFP ayaa ku warrantay in 26 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay dagaal socday dhowr saacadood oo ka dhacay koonfur-galbeed Yemen.
Ilo dhanka caafimaadka iyo milatariga ah oo taageersan Xuutiyiinta (kuwaas oo xulufo la ah Iran) ayaa iyaguna sheegay in la dilay 31 ka mid ah ciidamadaas.
Ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan magaalada Tacis oo ay gacanta ku hayso dowladda ayaa sheegay in weerar gantaal oo lagu qaaday bas uu sababay dhimashada lix qof oo rayid ah iyo dhaawaca toddobo kale.
Xuutiyiinta, oo naftooda ugu yeera “Ansar Allah”, ayaa gacanta ku haya qayb weyn oo ka mid ah waqooyiga Yemen iyo xeebta galbeed ee Badda Cas, iyo sidoo kale caasimadda Sanca.
Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, oo ay beesha caalamku u aqoonsan tahay dowladda, ayaa waxaa taageera Sacuudiga, waxayna gacanta ku hayaan qaybta bari ee Yemen iyo xeebteeda koonfureed, oo ay ku jirto dekedda Cadan.
