Sunday, September 6, 2026

Dowlada Federaalka Oo Caalamka Ugu Baaqday in Lagu Garab-galo La-dagaallanka Burcad-badeedda

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacay xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, iyadoo sheegtay in weerarro iyo afduub loo geystay maraakiib ganacsi tan iyo bishii Abriil 2026.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay taageerto ciidamada Soomaaliyeed ee ilaalinaya amniga iyo xeebaha dalka, iyadoo xustay in dhammaan dowladuhu ay waajib ku tahay inay iska kaashadaan la dagaallanka burcad-badeednimada.

Dowladdu waxay dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo badmaaxiinta weli ay haystaan kooxaha burcad-badeedda, waxayna sheegtay in ciidamada Soomaaliyeed ay wadaan howlgallo lagu burburinayo shabakadaha burcad-badeedda.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in markabkii MV Lutuf laga soo furtay burcad-badeedda 29-kii Agoosto, iyadoo tilmaantay in howlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda ay sii socon doonaan.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay arrinta burcad-badeednimada horgeyn doonto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo caddeysay in biyaha Soomaaliya aysan noqon doonin meel ay gabaad ka dhigtaan kooxaha ka ganacsada ama ka geysta dambiyada badda.