Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baqaei, ayaa bayaan uu dhawaan ku soo daabacay baraha bulshada ee X uga digay Kuuriyada Koonfureed in ka qaybqaadashada hawlgallada ka socda Gacanka Beershiya iyo Marinka Hormuz ay yeelan doonto “cawaaqib xumo.
Ismail Baqaei ayaa farriin uu ku qoray luqadda Kuuriyaanka ku sheegay in “Iiraan ay u arki doonto joogitaanka Kuuriyada Koonfureed mid la mid ah weerar iyo ka qaybqaadasho ‘gardarrada’ Maraykanka.
Bayaankan ayaa imanaya xilli ay Kuuriyada Koonfureed ka fiirsanayso xulashooyin kala duwan oo ku saabsan ka qaybqaadashada dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xorriyadda socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz.
