Dowladda UK ayaa berri dalkeeda ka joojinaysa badeecadaha Israal ee laga soo-saaro dhulka la haysto ee Falastiin (Daanta-galbeed), iyada oo badi dalalka Yurub ay tallaabadan wada qaadayaan, sida ay werisey The New York Times.
Dalalka Spain, Belgiam, Ireland & Netherlands ayaa iyagu mamnuucay waxsoosaarka Israa|| ee dhulka la haysto, waxaana hadda dood ka leh Midowga Yurub oo badi u ololaynaya joojinta waxsoosaarka ka yimi dhul la deegaameyey.
Israa| ayaa xoojisey deegaamaynta Daanta-galbeed ee Falastiin, iyada oo shacabka YH ay si xoog ah u qaadayaan beeraha Falastiiniyiinta, tiiyoo ay jirto in marinka Qasa ay si weyn ugu durugtey, uuna jiro cadaadis xadka bax ah oo dhinac walba leh oo saaran Falastiin.
