Thursday, September 10, 2026

Madaxa Dawlada Yemen: Iran waxay Doonaysaa inay Kordhiso Saameynta Xuutiyiinta ee Marinka Baabul-Mandab

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxa Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, Rashiid Maxamed Al-Caliimi, ayaa sheegay in Iran ay doonayso inay Xuutiyiinta u suurtageliso inay saameyn ku yeeshaan marin-biyoodka Baabul-Mandab iyo Badda Cas.

Al-Caliimi ayaa sheegay in “isku dayga lagu beddelayo xaaladda milatari ee ka jirta agagaarka marin-biyoodka Baabul-Mandab aan loo arki karin arrin gudaha Yemen oo keliya.”

Waxa uu intaas ku daray: “khatar kasta oo loo geysto Baabul-Mandab waxay si toos ah u saameynaysaa Badda Cas, Kanaalka Suweys iyo ganacsiga caalamka.”

Mr Al-Caliimi ayaa sidoo kale sheegay in ilaalinta xeebaha Yemen iyo dib u soo celinta awoodda dowladda ee dhulka iyo marin-biyoodka dalka ay tahay “dan caalami ah oo ay wadaagaan dalalka caalamka.”