Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa ka falceliyay ansixinta qaraarka Golaha fulinta hayada Tamarta Atomiga (IAEA) ee ka dhanka ah Iran.
Rezaei ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in qaraarku yahay “mid ka dhan ah Iran, sharci-darro ah, isla markaana aan lahayn saldhig farsamo iyo mid siyaasadeed oo la aqbali karo.”
Waxa uu tallaabooyinka Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ku tilmaamay kuwo “siyaasadaysan oo kicinaya xiisadda”, isaga oo sheegay in tallaabooyinka noocan ah ay “dalalka ku riixi doonaan inay ka baxaan Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka.”
Golaha fulinta ee hay’dda IAEA ayaa meel mariyay qaraar kiiska Iran loogu gudbinayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sababo la xiriira “u hoggaansami la’aanta” Iran ee heshiiska ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.
Qaraarkan waxaa soo jeediyay Maraykanka, Faransiiska, Britain iyo Jarmalka, waxaana taageeray 23 ka mid ah 35-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Guddoomiyeyaasha.
Iran ayaa sheegtay in dagaalka socda iyo hanjabaadaha loo jeedinayo xarumaheeda nukliyeerka ay ka dhigeen mid aanay awoodin inay dammaanad qaaddo amniga kormeerayaasha IAEA.
