Heemaal News Network

Maroodi dalka Afrika kuyaalla ku dilay Haweeney Mareykan ah oo tamashle ku jirtay

Maroodi ayaa weerar ku qaaday kaddibna dilay haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo dalxiis tamashle ah u tagtay dalka Zambia, waxaana haweeneydan la weeraray xilli ay ka degtay gaari dalxiis qaade ah oo ay la socotay.

Haweeneydan iyo koox kale oo dalxiisayaal ah ayaa waxaa weerar ku qaaday maroodiyaal, waxaana la xaqiijiyay dhimashada Juliana Gle Tourneau oo 64 jir ah oo ka tiimid gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka.

Sargaal katirsan booliiska dalka Zambia ayaa sheegay in weerarka maroodiga uu dhacay xilli ay gaadiidka dalxiiska istaageen goob buundo ah, kaddib markii halkaasi saxmad ka abureen maroodiyaal badan.

Dalka Zambia ayaa kamid ah dalalka ay dhibaatada ugu badan ka geestaan maroodiyaasha, dhimashadan ayaana noqoneysa tii labaad ee dalkaasi kula kulmaan muwaadiniinu dhalatay dalka Mareykanka.