Saturday, September 12, 2026

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen Oo ka Hadlay Weeraro Uga Yimid Sacuudiga

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeenka militariga ee Xuutiyiinta Yemen, Yaxye Sariic ayaa warsaxaafadeed uu waxyar ka hor soo saaray, wuxuu ku sheegay in ciidamada cirka ee Sacuudiga ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay 129 duqeyn ka fuliyay gobollada Taiz, Marib, Xudeydah, Al-Jawf, Saada, Camraan iyo Xajjah.

Sidoo kale waxuu sheegey afhayeenku in duqeymaha loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee F-15 iyo Typhoon, kuwaas oo laga soo qaaday saldhigyada milatari ee Sacuudiga ee Khamis Mushait iyo Taif.”

Wuxuu intaa ku daray in weerarradan ka dhanka ah shacabka Yemen aanay jawaab la’aan ku dhammaan doonin, ayna qaadi doonaan tallaabo ay ugu jawaabayaan.