Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian ayaa maanta ka hadlay kulan uu shalay caasimadda Hindiya ee New Delhi kula yeeshay dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Khalid bin Mohammed bin Zayed Al Nahyan, kaasoo barbar socday shir madaxeedka BRICS.
Pezeshkian, wuxuu yiri; “Waxaan wada-hadal yeelanay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, wuxuu noo sheegay hal arrin; Suragal ma tahay wixii horey u dhacay inaan gadal iska dhigno, isla markaana aan dhisno mustaqbal ka wanaagsan?”
Wuxuu intaa ku daray; “Iiraan waxay doonaysa in isbeddel la sameeyo, cid kasta oo taa sameysa waan heshiin karnaa, waana waxa aan ku heshiinay oo kulan wanaagsan ka dhigay, wadahadalka aan yeelanay Dhaxal-sugaha Abu Dhabi.”
