Monday, September 14, 2026

Agaasimihii Hore ee Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da Oo Eedeyay M/Putin

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, David Petraeus ayaa hadal uu maanta jeediyay ku weedeeyay madaxwaynaha Ruushka wuxuu yiri;

“Putin wuxuu muddo dheer wuxuu doonayay inuu dib u soo celiyo awooddii iyo dhulalkii Midowgii Soofiyeeti. Sidaas darteed, uma malaynayo in Lithuania ay noqon doonto dalka xiga Ukraine ee uu cadaadis saari doono. Waxaan u arkaa in Moldova ay khatar badan ku jirto, maadaama ay ka tabar yar tahay dhinaca milatari iyo amni.”

Wuxuu intaa ku daray; “Dalalka Yurub weli si buuxda uguma diyaar garoobin khatar noocan ah iyo qorshaha Putin uu damacsanyahay.Intooda badan ma aysan samayn isbeddelladii waaweynaa ee looga baahnaa ciidamadooda, difaacooda iyo qorshayaashooda amni si ay ula jaanqaadaan nooca dagaalka iyo khatarta cusub ee Yurub ka soo wajahan.”