Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareysay madaxa shirkadda Maraykanka ee garaadka macmalka ah (AI) ee Anthropic, kaddib markii uu sheegay in horumarka Shiinaha ee dhinaca AI uu khatar amni qaran ku noqon karo Maraykanka.
Afhayeenka wasaaradda, Guo Jiakun, ayaa sheegay in hadallada Dario Amodei ay yihiin sheekooyin ku saabsan hanjabaad, iska horimaad iyo tartan xaasidnimo ah, kuwaas oo aan cidna dan u ahayn.
Dhammaadkii toddobaadka, madaxda saddex shirkadood oo AI ah ayaa ku biiray baaqyo lagu doonayo in la yareeyo xawaaraha horumarka warshaddan. Waxay sheegeen in horumarka degdegga ah ee garaadka macalaka AI, iyadoo aan la helin xeerar iyo tallaabooyin amni oo ku filan, uu khatar ku noqon karo bani’aadamka.
Digniinahaas kaddib, qiimaha saamiyada qaar ka mid ah shirkadaha AI ayaa hoos u dhacay.
