Tuesday, September 15, 2026

Ruushka Oo Gantaal la Helay Markab Hub iyo Agab Military U Siday Ukraine

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ruushka ayaa gantaal la helay markab ku rarnaa hub iyo agab military oo ay lahayd Ukraine oo ku sugnaa xeebta Odessa dalka Ukraine.

Sidoo kale Ruushka ayaa duqeeyay Kaalin shidaal gudaha caasimada Kiev, dalka Ukraine.

Xalay keliya labo weerar ayuu ka gaystay Ruushka caasimada dalka Ukraine.

Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah dalka Ukraine.

Hadalka Madaxwayne putin ayaa yimid ka dib hadal kasoo yeeray Madaxwaynaha dalka Mareekanka Donald Trump oo usoo jeediyay dalalka Ruushka iyo Ukraine inay joojiyaan beegsiga xarumaha tamarta iyo shidaalka xili dunida uu gabaabsi ku yahay qulqulka shidaalka sabab la xiriirta xirnaanshaha Marinka Hormuz iyo cabsida soo wajahday Marinka Baabul mandab ee dalka Yemen.

Dhanka kale , Ukraine ayaa iyadana wada weerarada ka dhanka Ruushka, waxayna drone ku werartay warshad shidaal iyo bakhaar alaabaha jumlada gudaha dalka Ruushka.

Cabsida ugu wayn ee haysata dadka Ukraine ayaa ah waxaa soo socda xiliga qaboobaha, dalkana mahaysto adeeg koronto oo xoogan halka dhanka kale Ruushka uu si bareer ah u beegsanayo tamarta.