Tuesday, September 15, 2026

Taliyeyaasha Militariga ee Dalalka Carabta Oo Jarmalka kula Shiray Taliyaha Guud Ee Ciidanka Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyeyaasha militariga ee dalalka Carabta Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Kuwait, Qatar, Jordan iyo Masar ayaa toddobaadkii hore dalka Jarmalka, kulan gaar ah oo la xiriira xaaladda Bariga Dhexe kula yeeshay taliyaha taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka,Jen. Brad Cooper iyo taliyaha guud ee ciidanka Israa’iil, Eyal Zamir, sida ay waxyar ka hor baahisay warbaahinta ku dhow Aqalka Cad iyo Israa’iil ee Axios.

Inta kulanka socday waxaa la sheegay in lagu soo bandhigay habab looga hortagayo weerarrada Iiraan iyo kooxaha ay taageerto, sidii loo heli lahaa marin aysan waxyeelayn karin Iiraan oo maraakiibta shidaalka ay kaga gudbi karaan Hormuz, halka taliyaha taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka, Jen. Brad Cooper uu u sheegay dalalka Carabta, in Mareykanka uu sii joogi doono gobolka oo ay sii shaqeyn doonaan saldhigyada uu ku leeyahay, kuwaasoo inta badan la kulmay weerarro waxyeeleeyay oo qaarkood shaqadii ka saaray oo ay ku beegsatay Iiraan.

Warbixintan oo ku soo aaday xilli warbaahinta Israa’iil ay dhinaceeda joogtaysay in dalalka Khaliijka ay sare u qaadeen iskaashiga ay ka doonayaan Israa’iil, ayaa ku filan in si cad loo dhihi karo Khaliijka ma haystaan wax qorshe ah welina waxay ku adkaysanayaan inay Mareykanka iyo Israa’iil ku tiirsanaadaan oo ah isha ay ka dhalanayso dhibaatada ay wajahayaan, welina maskaxdooda uma aysan siin fursad ay uga fakari karaan habab ay difaac iyo iskaashiga ku dhisan karaan, maaddama iskaashiga iyo xiriirka Mareykanka ay la leeyihiin uu ku riixayo in lacagahooda ku bixiyaan qalabka iyo xiriir ay la yeelanayaan Israa’iil, iyadoo horey xiriirka dhinaca Mareykanka uu ahaa faa’iido hal dhinac ah oo Mareykanku uu ku helayo dhaqaale badan, taasoo aan ka badbaadin burburka dhaqaale iyo shidaalka haamaha buuxiyay ee ka dhalanaya weerarrada Iiraan.