Mareykanka wuxuu ku qasbanaaday inuu la fadhisto sarkaal sare oo ka tirsan Xuutiyiinta Yemen,Mohammad Abdulsalam iyo xubno kale oo Xuutiga ah, oo horey cunaqabateyn u saaray.
Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa maanta soo bandhigay in horraantii toddobaadkan uu ka dhacay dhismaha safaaradda Mareykanka ee ku taal magaalada Muscat ee dalka Cumaan, kulan u dhaxeeyay saraakiil Mareykan iyo Xuuti, iyadoo kulanka oo ay dhex dhexaadisay dawladda Cumaan uu ujeedkiisu ahaa sidii Mareykanka uu ugu qancin lahaa Xuutiyiinta inaysan weerarrin Mareykanka ganacsiga Mareykanka iyo kuwa xiriirka la leh ee ka gudbaya marin-biyoodka Bab-el-Mandeb oo ay Xuutiyiintu la wareegeen toddobaadkii hore,taa beddelkeedana uu Mareykanka ka fogaanayo weerar ka dhan ah Xuutiga.
Warbixintu waxaa kaloo ay sheegtay in Mareykanka uu wadahadalkan ku soo daray sidoo kale inaan la beegsan maraakiibta Israa’iil, taasoo la sheegay Xuutiga inay oggolaadeen.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa maalin ka hor xaqiijiyay Mareykanka inuu xiriir toos ah la leeyahay Xuutiyiinta Yemen, halka Xuutiyiinta ay dhankooda sheegay inay Bab-el-Mandeb ka gudbi karaan si ammaan ah dhammaan maraakiibta ganacsiga, marka laga reebo maraakiibta ganacsiga Sacuudiga.
