Wednesday, September 16, 2026

NISA oo Sheegtay inay Muqdisho ku Qabatay 11 Xubnood oo ka Tirsan Al-Shabaab

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay inay burburiyeen shabakado ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegeen in loo diyaariyay inay si qarsoodi ah ugu dhex dhuuntaan qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

NISA ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay 11 dhagar-qabe oo ka tirsanaa shabakado kala duwan, kuwaas oo qorsheynayay inay fuliyaan falal ka dhan ah amniga sida ku xusan Bayaan ay soo saareen.

War saxaafadeedka NISA ayaa shaaca looga qaaday in Shabakadaha la soo afjaray kaddib howlgallo qorsheysan oo Ciidanka NISA ay ka fuliyeen degmooyinka Daarusalaam, Garasbaaley, Kaxda, Dayniile iyo Afgooye.

Intii ay howlgalladu socdeen, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo agab kale oo ay dhagar-qabayaashu doonayeen inay u adeegsadaan fulinta dhagarta ay qorsheynayeen.

NISA ayaa sheegtay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee ay uga hortagayso qorshayaasha lagu doonayo in lagu waxyeelleeyo amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, Hay’addu waxay muwaadiniinta ugu baaqday inay la wadaagaan wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab iyo Daacish.