Friday, September 18, 2026

Shiinaha Oo Ballaariyay Saldhigga uu ku Leeyahay dalka Jabuuti

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Shiinaha ayaa ballaariyay saldhigga uu ku leeyahay dalka Jabuuti, isagoo ku xiray nidaamyo uu kula soconayo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Afrika iyo Bariga Dhexe,sida ay werisey Reuters.

Saldhigga Jabuuti, oo la furay 2017, waa saldhigga kaliya ee milatari ee Shiinaha uu si rasmi ah u aqoonsan yahay inuu ku leeyahay dal shisheeye. Waxa uu muhiim u yahay hawlgallada ciidamada badda Shiinaha ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, wuxuuna ku dhow yahay marin-biyoodka Bab al-Mandab oo ah meel muhiim u ah ganacsiga badda ee caalamka.