Friday, September 18, 2026

Safaarada Mareykanka ee Itoobiya oo Digniin Culus soo Saartay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan aagga Doolow ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyadoo digniinta lagu saleeyay walaac laga qabo xaaladda amni ee ka jirta deegaankaasi.

Safaaradda ayaa sheegtay in qaybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo deegaanada ku dhow xuduudda Soomaaliya ay ka mid yihiin meelaha ay khatarta amni sareyso, iyadoo sababaha ay xustay ay ka mid yihiin argagixiso, afduub iyo qalalaase amni.

Digniinta ayaa sidoo kale si gaar ah u khuseysa shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan ama u safraya Itoobiya. Safaaradda ayaa sheegtay in shaqaalaha dowladda Mareykanka aan loo oggolaan inay u safraan aagga Doolow, haddii aysan haysan oggolaansho gaar ah.

Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa kula taliyay inay ka fogaadaan goobaha loo arko inay khatartu ka jirto, inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay dib u eegaan qorshayaashooda amni marka ay ku sugan yihiin ama u safrayaan deegaanada xuduudka ah.

Safaaradda Mareykanka ayaan faahfaahin ka bixin nooca khatarta gaarka ah ee keentay digniinta cusub ee ku wajahan Doolow, mana aysan magacaabin koox ama dhinac gaar ah oo ay ku eedeysay inay mas’uul ka tahay khatartaasi.

Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Doolow iyo deegaanada ku dhow xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin marinno muhiim ah oo isku xira labada dal, isla markaana ay muddooyinkii dambe ka jireen walaacyo la xiriira amniga iyo dhaqdhaqaaqyada ka jira xuduudda.

Ilaa hadda, dowladda Itoobiya iyo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaan si rasmi ah uga jawaabin digniinta cusub ee kasoo baxday Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa.

Safaaradda ayaa muwaadiniinta Mareykanka ku boorrisay inay si joogto ah ula socdaan xaaladda amni, ayna qaataan taxaddarrada lagama maarmaanka ah marka ay ku sugan yihiin deegaanada khatarta loo aqoonsaday.