Taliyaha difaaca cirka Pakistan ahna taliye ku-xigeenka ciidanka cirka,Muhammad Sarfraz ayaa maanta gaaray Muqdisho, taa oo noqonaysa booqashadii u sarreysay oo wafdi ka socda ciidanka cirka Pakistan ay ku tagayaan Muqdisho.
Booqashadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo wafdigan uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka cirka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baday wasaaradda difaaca Soomaaliya.
Pakistan ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo bandhigaysa inay doonayso saameyn amni iyo joogitaan inay ku yeelato Soomaaliya , sabab la xiriirta inay Pakistan baahi u qabto inay ballaariso saameynta Badweynta Hindiya iyo marinada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, halkaa oo uu ka socdo loollan caalami ah.

Screenshot
