Sunday, September 20, 2026

Senator Ted Cruz Oo Sheegay in uu ka Shaqaynayo Aqoonsiga Maraykanka ee Somaliland

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Senator-ka Maraykanka Ted Cruz ayaa sheegay inuu kulan wax-ku-ool ah la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isaga oo sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland.

Ted Cruz ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Somaliland ay hore u muujisay inay tahay “saaxiib lagu kalsoonaan karo” oo Maraykanka kala shaqeeya arrimo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta maraakiibta mara agagaarka Geeska Afrika.

Senator Cruz ayaa sheegay inuu muddo waday dadaallo uu Maraykanka ugu doonayo inuu sii qoto-dheereeyo iskaashiga Somaliland, isaga oo xusay inay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo in Maraykanku aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay in inta laga gaadhayo arrinta aqoonsiga, uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ku cadaadinayo inay Somaliland si gaar ah ula dhaqanto, halkii ay ula dhaqmi lahayd si lamid ah sida Soomaaliya.

Cruz ayaa si gaar ah ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka inay Somaliland u samayso talo-bixin socdaal oo u gaar ah, taas oo uu sheegay inay ka tarjumayo xaaladda dhabta ah ee amni ee ka jirta Somaliland.

Bishii July 2026, Cruz ayaa sidoo kale warqad u diray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio, isaga oo ka codsaday in la sameeyo qiimayn amni oo gaar ah oo Somaliland ah, maadaama talada safarka ee hadda Soomaaliya oo dhan lagu dabaqo ay Somaliland ku jirto.

Senator Ted Cruz ayaa hadalkiisa ku soo gebogebeeyay inuu rajaynayo in wada-shaqaynta labada dhinac ay sii socoto, si loo horumariyo danaha amni ee ay wadaagaan Maraykanka iyo Somaliland.