Duulimaadyada UK oo dhan gaar ahaan Scotland, Waqooyiga Ireland iyo England ayaa dib u dhacay kaddib “Cilad farsamo” oo ka timid dhanka maamulka isu-socodka diyaaradaha.
Rakaabka garoomada Scotland iyo Waqooyiga Ireland ayaa dib uga dhacay waqtigooda saakay kaddib ciladaas farsamo.
Garoomada diyaaradaha ayaa kula taliyay dadweynaha in ay hubiyaan diyaaradooda ka hor inta aysan soo bixin.
Tani waa markii labaad ee cilad ku timaada shirkadda NATS ee maamusha hawada sare ee Boqortooyada UK muddo ka yar laba toddobaad gudaheed. Ma hayno faahfaahinta waxa dhacay markan, marka laga reebo in ay jirto cillad farsamo oo ku timid xarunta maamulka hawada ee Nats ee ku taal Prestwick.
Shirkadda NATS waxay leedahay labo xarumood. Tan koowaad waxay ku taal tuulada Swanwick ee gobolka Hampshire taas oo la socota hawada qeybaha koonfureed ee UK oo ay ku jiraan garoomada Heathrow iyo Gatwick. Tan kalena waxay ku taal Prestwick Scotland.
