Somalilabd ayaa Berri Banaanbax Weyn ka Dhigeysa Afaafka Hore Ee Golaha Guud, Xiligaas oo la filayo inuu Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xarunta Qaramada Midoobay, uu khudbad ka jeedin doono.
Madaxweynaha ayaa madasha Golaha ku soo bandhigaya horumarka Soomaaliya ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale ka hadli doona mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Si kastaba ha noqotee Taariikhda waa markii ugu horreysay ee Somaliland loo oggolaado in ay ku qabsadaan isku soo-bax ay shucuurtooda ku muujin karaan UN-ka hortiisa, waa taariikh ugub ah oo halgankeeda Somaliland u geli doonta baal dahab ah.



