Tuesday, September 22, 2026

Puntland Oo Sheegtey in ay Somaliland iska Kaashanayaan Amniga Badaha,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Puntland ayaa sheegtay inay Somaliland kula jirto wada-hadalo ku saabsan iskaashi dhinaca amniga badda, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xidhiidha budhcad-badeedda iyo ammaanka marin-biyoodka Gacanka Cadmeed.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ah La-taliyaha Madexwaynaha Puntland ee Arrimaha Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, ayaa sheegay in wada-hadalladu weli socdaan, isla markaana labada dhinac ay la shaqaynayaan saaxiibo caalami ah.

Puntland ayaa bilihii u dambeeyey si gaar ah u xoojisay iskaashiga ay Maraykanka kala leedahay la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda ammaanka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

e La-taliyDhabancad ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay adkaynayso ammaanka xeebaha u dhexeeya Garacad iyo Laasqoray.