Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa xarunta Taliska ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz, Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada ciidan iyo dib-u-dhiska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta qaab-dhismeedka ciidanka, tayeynta hoggaanka iyo xirfadaha saraakiisha, tababarrada takhasuska leh iyo khibrad-wadaagga.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhisidda awood ciidan oo waarta, taas oo waafaqsan baahiyaha amni ee Soomaaliya, iyo sameynta hannaan iskaashi oo joogto ah oo taageera qorshayaasha mustaqbalka ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Wafdiga Pakistan ayaa kormeer ku sameeyay xarunta Taliska, waxayna la kulmeen saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidanka Cirka, si ay u fahmaan awoodaha hadda jira iyo baahiyaha mudnaanta leh.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo diiradda lagu saarayo dib-u-dhiska, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
