Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mudane Frank Garcia, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac iyo danaha ay wadaagaan, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku aaddan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay la yeeshay Dhaxal-sugaha Dowladda Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.
Kulanka ayaa lagu lafa-guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada muhiimka u ah horumarka iyo danaha labada shacab, xaaladda gobolka iyo isbeddellada amni ee ka jira Bariga Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda uu xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait u leeyahay labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo horumarka.
DHAMMAAD








