Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Cabdulfataax Al-Burhaan, oo khudbad ka jeediyay garoon ay buux dhaafiyeen tobannaan kun oo qof, ayaa sheegay in ujeeddadu tahay “in la ciribtiro maleeshiyaadka fallaagada ee RSF, lagana saaro dhulka Suudaan.”
Al-Burhaan ayaa carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uusan u jilba-jabsan doonin cadaadis ama hanjabaad Maraykanka, isagoo yiri:
“Fiiso kama dooneyno dowlad kale, ogolaansho kama dooneyno cidna. Madaxeenna kor ayaan u qaadaynaa; kama gorgortamayno, mana isu iibinayno qiimo jaban cidna.”
Al-Burhaan ayaa sidoo kale salaamay dhalinyarada ku dagaallamaysa jiidda hore ee waxa uu ugu yeeray “Dagaalka Sharafta”, iyo dhalinyarada ciyaaraha ka qeyb qaadanaysa, isagoo sheegay inay ballan u qaadeen shacabka Suudaan iyo dadkii ku dhintay dagaalka in “calanka qaranka aan marnaba hoos loo dhigi doonin.”
Dowladda Suudaan ayaa guluf cusub bilaawday waxa ayna dhul balaaran ka qabsatay kooxda balse waxa ay wajahaysaa cadaadiska Maraykanka oo hada Visa Maraykanka u diiday Al Burhan si uu ugu qaybgalo shirka UN-ka.
