Xukuumadda Somaliland, ayaa si xoogan uga jawaabtay hadalo ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi uu Al-jaseera siisay ku sheegay in Israa’iil ay saldhig millatari ku yeelanayso Berbera.
Warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL, ayaa lagu sheegay in xidhiidhka iskaashi ee Israa’iil iyo Somaliland uu yahay mid ku dhisan dan-wadaag iyo nabadgelyo.
Waxa kale oo ay Somaliland sheegtay in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay dal xor ah oo madaxbannaan oo si buuxda heshiisyo ula geli kara dalalka dunida.
Waxa kale oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland sheegtay in Xasan Sheekh aanu ku hadli karin afka iyo magaca dadka reer Somaliland, taasi oo jawaab u ah hadalka Xasan Sheekh ee ahaa in reer Somaliland ay diidan yihiin aqoonsiga Israa’iil.
