Shirka Masar ka socda Oo Qodobo Laga soo Saaray Laguna Diiday Aqoonsiga Somaliland.”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hogaamiyeyaasha Dalalka Masar, Suudaan, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa isku raacay in la ilaaliyo midnimada, iyo madax banaanida dalalkooda, Isla markaana laga soo horjeeto faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimahooda gudaha.

Hgaamiyeyaasha dalalkaas ayaa xaqiijiyay iney si buuxda u taageerayaan midnimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya, waxay sheegeen iney kasoo horjeedaan talaabo kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Shirka dalalka Badda-cas ee Masar ka socda ayaa lagu sheegay: “Waxa aan ka soo horjeednaa taageero iyo Aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland.”

Sidoo kale waxay xaqiijiyen iney si gaara u taageerayaan midnimada, madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Dalka Suudaan, Waxay si cad u xuseen iney diidan yihiin in Suudaan laga sameeyo maamulo barbar socda dowlada, iyo in taageero la siiyo calooshood u shaqaystayaal la dagaalamaya dowlada Suudaan.

“Hoggaamiyayaashu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo hannaan lagu dabagalo natiijooyinka shirkaan wadatashiga ah. Shirarka noocan ahna si joogto ah ayaa loo qaban doonaa, ama marka loo baahdo, si loo xoojiyo wadatashiga iyo isku-duwidda afarta dal” bayaanka.

Isbahaysigu ma is difaaci doonaa duufaano daad baa soo wajahane’e!!