Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad , masuuliyiin kale iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Balanballe u tegay Shirka Dhameystirka Heshiiska Beelaha Walaalaha ah ee Balanballe iyo Guriceel, waxaana magaalada laga dhagax-dhigayaa Guriga Nabadda ee Degmada Balanballe.
Hanaanka soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka tarjumaya nabadda ka hana qaaday deegaanka iyo sida dadka reer Balanballe ay ugu heelan yihiin dib u heshiisiinta loo sameeyey.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarka ku wehlinaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda.





