Abiy Ahmed ayaa markii Labaad loo dhaariyay xilka Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, waxaana markii u horaysay xilka loo dhaariyey 2 April 2018, waxaana mar kale talada loo dhaariyey 4 October 2021, halka maanta oo ay bishu tahay 5 October 2026 xilka loo dhaariyey.
Xilkan hadda loo dhaariyey Abiy, waxa uu ku soo beegmayaa xili dagaalo iyo colaado ka taagan yihiin gudaha dalkaasi, isla markaana uu xumaaday xidhiidhka dalkiisa iyo Eratariya.
Halka sidoo kale, ay shaqadiisu la bilaabmayso xili kale oo Masar ay samaynayso isbahaysiyo ka dhan ah Itoobiya, iyadoo shalay dalkaasi ay ku jireen dalalka Masar, Suudaan, Eratariya iyo Soomaaliya oo soo saaray bayaan lid ku ah danaha iyo masaaliixda Itoobiya.
Haddaba, sidee ayuu Abiy Ahmed u maarayn karaan dhibaatooyinka gudaha dalkiisa iyo colaadaha kale ee kaga imanaya isbahaysiga Masar?
