Tuesday, October 6, 2026

Dhallinyaro Somaali ah Oo lagu Dhaawacay Toogasho ka Dhacday Garoon kubadda cagta ee Minnesota

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Laba dhallinyaro Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow garoon kubadda cagta oo ku yaalla magaalada Eden Prairie ee gobolka Minnesota, xilli ay socotay ciyaar ay daawanayeen kumannaan qof.

Toogashadu waxay dhacday, xilli kooxda Eden Prairie High School ay garoonkeeda kula ciyaaraysay Minnetonka High School. Dhacdada ayaa keentay sida booliisku sheeegeen in daawadayaashii ciyaarta ay si degdeg ah uga cararaan garoonka, iyadoo qaar ka mid ah dadka ay ka boodeen xayndaabyada.

Booliiska Eden Prairie ayaa sheegay in labada qof ee la dhaawacay ay yihiin wiilal Soomaali ah oo da’doodu kala tahay 17 iyo 18 sano. Labadooduba waxay horey booliiska uga tirsanaayeen dadka ay yaqaannaan, sida ay sheegeen saraakiishu.

Wiilka 17 jirka ah ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka, iyadoo dhaawaciisu aanu ahayn mid naftiisa halis gelinaya, halka wiilka 18 jirka ah isbitaalka laga saaray Sabtidii.

Booliisku waxay sheegeen in dagaal weyn uu ka dhacay dhinaca galbeed ee garoonka wax yar ka hor inta aan rasaastu dhicin. Sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah, baarayaashu waxay tuhunsan yihiin in toogashadu la xiriirto khilaaf u dhexeeya kooxo Soomaali ah oo deegaanka ka jira.

Si kastaba, booliisku weli ma aysan shaacin cidda loo malaynayo inay rasaasta ridday, waxayna sheegeen inaysan haynin xog ku filan oo ku saabsan tuhmanayaasha oo ay bulshada la wadaagi karaan.

Labada qof ee la dhaawacay midkoodna ma ahayn arday dhigta Eden Prairie High School ama Minnetonka High School.

Dhacdada ayaa cabsi weyn ku abuurtay dadkii ku sugnaa garoonka, iyadoo ciyaartoyda iyo daawadayaashuba ay markii hore garan waayeen waxa dhacay. Mas’uuliyiinta garoonka ayaa dadka ku wargeliyay inay ka baxaan goobta, waxaana kumannaan qof ay u kala carareen dhinaca laga baxo.