11
TPLF ayaa la sheegay inay sii daysay madaxweynihii ku-meel-gaarka ahaa ee Tigray, Jeneraal Tadesse Werede, iyo afar sarkaal oo kale.
TPLF ayaa hore xilka uga tuurtay Tadesse Werede, kaddibna gelisay xabsi guri.
Markii ay magaalada Mekelle ka baxayeen, ayaa la sheegay inay horay u sii kaxaysteen Tadesse Werede iyo masuuliyiinta kale. Hase yeeshee, xogaha hadda soo baxaya ayaa sheegaya in la sii daayay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Tadesse Werede iyo afarta masuul ee kale ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada milatariga Itoobiya.
