Monday, October 12, 2026

Ugu yaraan 20 Qof Oo ku Dhaawacmay Qarax ka Dhacay Waqooyiga Israell.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay waqooyiga Israa’||l, meel u dhow xadka ay la wadaagto Lubnaan.

Booliska Israa’||l ayaa sheegay in baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in qaraxa uu ka dhashay walxaha qarxa ee hub hore loo adeegsaday, balse aan qarxin xilligii la riday.

Adeegyada gurmadka deg-degga ah ee Israa’iil ayaa xaqiijiyay dhaawacyada, iyadoo Dadka dhaawacmay uu ka mid ahaa arday iyo macallimiin.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in askar iyo diyaarado helikobtarro ah loo diray goobta qaraxu ka dhacay, si ay dhankooda u baadhaan dhacdada iyo waxa sababay qaraxa.