Monday, October 12, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Oo Baarlamaanka ku Wargaliyay In Iran Weerar ka Fulisay Gudaha Dalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Andy Burnham, ayaa maanta Baarlamaanka Ingiriiska u sheegay in Iiraan ay isku dayday inay weerar ka fuliso gudaha Ingiriiska.

Waxa uu si cad u sheegay in uu xaqiijin karo in isku daygii weerar ee lagu doonayay in lagu beegsado saldhigga ciidamada cirka ee Ingiriiska ee RAF Fairford, xilli ay halkaas ku sugnaayeen diyaaradaha Maraykanka ee qaada bambooyinka culus, ay ka dambeeyeen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

27 bishii hore September, Ingiriiska ayaa shaaciyay in la xiray shan nin oo lagu qabtay iyaga oo la tuhunsan yahay inay diyaarinayeen weerar ka dhan ah saldhigga RAF Fairford. Saldhiggan ayaa ka mid ahaa goobihii ay adeegsanayeen diyaaradaha fuliyay weerarradii ka dhanka ahaa Iiraan intii uu socday dagaalku. Dhacdadan ayaa keentay in Maraykanku diyaaradiisa kala baxo saldhiggan.

Ma cadda in ku dhawaaqistan ay gogol xaar u tahay in Ingiriisku helo sabab uu ugu biiro Maraykanka haddii uu dib u bilaabo dagaalka Iiraan, taas oo ah tallaabo uu Trump muddo dheer doonayay.