Taliyaha booliska magaalada Bend ee dalka Maraykanka Mike Krantz ayaa sheegay in sadax caruur ah iyo hal macalin ay ku dhinteen weerar toogasho oo ka dhacay dugsiga hoose ee Silver Rail Elementary School.
Taliyaha booliiska ayaa da’ada sadaxda caruurta ah ee dhimatay ku sheegay 5, 8 iyo 11 sano jir halka Ilmo toddoba jir ah iyo macallin 54 jir ah la geeyay isbitaal ku yaalla deegaanka, iyaga oo qaba dhaawacyo halis ah.
Booliska ayaa sheegay in loogu yeeray goobta kaddib markii qof uu soo wacay, isaga oo sheegay in rasaas lagu furay.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in eedeysanuhu ahaa wiil 16 jir ah oo gudaha u galay dugsiga, kaas oo uu dilay qof goobta ka agdhawaa. Qofkaasi ayaa daba galay ilaa gudaha dugsiga, halkaasna ku toogtay.
Dhammaan dugsiyada ku yaalla magaalada Bend ayaa maanta xiran, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in bulshadu u baahan tahay waqti ay kaga soo kabato dhacdadan naxdinta leh.
Waxaan filaynaa in mas’uuliyiintu ay warbixin bixiyaan saacadaha soo socda, waxaana halkan idiinku soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay marka ay soo kordhaan.
