Saturday, October 17, 2026

Madaxweynaha Iiraan Oo ka Hadlay Isbahaysiga Difaaca Ee Sucuudiga, Turkiga iyo Pakistan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian oo ka hadlay isbahaysiga difaaca Makka ee u dhexeeya Sucuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa yidhi.

“Tani waa tallaabo horay loo qaaday. Muslimiintu waa inay midoobaan. Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb qaadanno geedi socodkan, waxayna tani noqon kartaa talaabo loo qaaday dhinaca isu soo dhowaanshaha Muslimiinta iyo xaqiijinta midnimada Islaamka, halkii ay muslimiintu ukala qaybsami lahaayeen labo garab oo isdagaala.”

“Waxaynu nahay Muslimiin, waxaa nalaga abuuray nin iyo naag, waxaana nalaga dhigay Ummado iyo qabiilo kala duwan, laakin Alle hortiisa waxa muhiimka ah waa cibaadada iyo Alle ka cabsiga ee maaha inaad Carab tahay, inaad Turki tahay ama aad Faarisi tahay.”

“Waa ineynu wada fadhiisanaa oo aan raacnaa amarada Alle.”