Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Mareykanka, Marco Rubio ayaa kooxaha hubeysan ee la dagaalamaya ciidanka Itoobiya ku tilmaamay iney yihiin gooni u goosad, issagoo ka digay in xiisada sii kordheysa ee u dhexaysa Itoobiya iyo Eritrea ay horseedi karto dagaal balaadhan oo ka qarxa gobolka.
Rubio ayaa xusay in dalalkani ay ciidamo badan ku daabulaayan xuduuda ay wadaagaan, wuxuuna ugu baaqay Itoobiya iney si weyn isku xakameyso.
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanku waxa uu sheegay in Dowlada Maraykanku ay bixineyso dadaal diblomaasiyadeed si looga hortago in gobolka uu ka qarxo dagaal kale oo lagu hoobto.
