Wednesday, October 21, 2026

Somaliya oo Martigelisay Shir Ganacsi iyo Maalgashi oo ay Wada leeyihiin Uganda.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay martigelisay shirka dib-u-eegista bartamaha muddada ee kalfadhiga labaad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Uganda (JPC), kaas oo ay barbar socdaan madal ganacsi iyo maalgashi iyo bandhig wadajir ah.

Shirka oo soconaya laba maalmood ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, waxaana ka qeybgalay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, iyo dhiggiisa Uganda, Janaraal Sare Henry Tumukunde oo howlgab ah.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, dalxiiska iyo shaqaalaha.

Ujeeddada shirkan ayaa ah in mudnaanta ay labada dal ka siman yihiin loo beddelo mashaariic maalgashi iyo iskaashi wax ku ool ah oo faa’iido u leh Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo la xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal.