Wednesday, October 21, 2026

Gadi Eisenkot Oo loo Saadaaliyay Inuu Noqon karo Ra’iisul wasaraha xiga ee Israa’iil.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Gadi Eisenkot ayaa hoggaaminaya saadaasha ku saabsan qofka noqon kara ra’iisul wasaaraha xiga ee Israa’iil. Xogta madasha Polymarket ayaa muujinaysa inuu haysto 51.4%, halka Netanyahu uu haysto 27%.

Eisenkot waa jeneraal hore oo Israa’iili ah, hoggaamiyana xisbiga Yashar. Wuxuu ahaa taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil intii u dhexeysay 2015 iyo 2019, haddana wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta sida weyn ula tartamaya Netanyahu doorashada la filayo inay dhacdo 27-ka Oktoobar 2026.

Maxay ku kala duwan yihiin Eisenkot iyo Netanyahu?

Eisenkot waa siyaasi ku adag arrimaha amniga, wuxuuna aaminsan yahay in Israa’iil u baahan tahay ciidan xooggan. Laakiin waxaa jira arrimo uu kaga duwan yahay Netanyahu, gaar ahaan sida loo maamulo dalka iyo sida loo wajaho dagaallada.

Wuxuu doonayaa in dib loo eego waajibaadka adeegga milatari, gaar ahaan cidda laga rabo inay ciidanka ku biirto. Wuxuu sidoo kale soo jeediyey in muwaadiniinta Carabta ah ee Israa’iil ay ka qayb qaataan adeegga qaranka. Arrimahan ayaa ka mid ah qodobada ay isku hayaan siyaasiyiinta Israa’iil.

Dhanka Falastiin, se, farqi weyn oo muuqda ma jiro. Eisenkot ma taageero dawlad Falastiini ah oo madax-bannaan, wuxuuna taageeraa degsiimooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed. Sidaas darteed, isbeddelka hoggaanka Israa’iil kaligiis ma dammaanad qaadayo in siyaasadda dhulka Falastiiniyiinta ay is beddesho.

Meelaha uu Eisenkot ku dhaliilo Netanyahu waxaa ka mid ah maaraynta dagaalka iyo qorshaha lagu soo afjarayo. Wuxuu Netanyahu ku eedeeyey inuusan lahayn qorshe cad, wuxuuna dalbaday baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaado fashilkii horseeday weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023. Bishii Juun 2024 ayuu sidoo kale ka baxay golihii dagaalka, isaga oo sheegay in dawladda Netanyahu aysan lahayn istaraatiijiyad cad.

Eisenkot wuxuu taageerayaashiisa u ballanqaaday inuu hagaajin doono xiriirka Israa’iil la leedahay caalamka, isla markaana uu wax ka qaban doono go’doominta diblomaasiyadeed ee Israa’iil soo wajahday.

Haddii uu xilka qabto, waxaa is beddeli kara habka Israa’iil loo maamulo iyo xiriirka ay la leedahay dalalka kale. Laakiin marka laga hadlayo xuquuqda Falastiiniyiinta iyo dhismaha dawlad madax-bannaan, mowqifkiisu weli wuxuu ka fog yahay isbeddel weyn.