Sunday, October 25, 2026

Erdogan Oo Xilkii ka Eryay La-taliyihiisii Azerbaijan ku Dhaliilay Joojinta Xijaabka Gabdhaha Ee Dugsiyada.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa xilkii ka qaaday la-taliyihiisii sare Oktay Saral, kadib markii muran diblomaasiyadeed ka dhex abuureen Turkiga iyo Azerbaijan hadalo uu ku dhaliilay xanibaadaha la xidhiidha xijaabka gabdhaha dhigta dugsiyada Azerbaijan.

Sida ay baahisay warbaahinta Middle East Eye, xukuumadda Azerbaijan ayaa dalbatay in xilka laga qaado la-taliyaha, iyadoo Ankara ay ku hawlan tahay soo celinta xidhiidhkii dhowaa ee labada dal.

Saral ayaa xaqiijiyey in uu xilka kaga tegay amarka madaxweyne Erdogan. Khilaafkan ayaa ka dhashay xeerka labiska dugsiyada Azerbaijan, oo dood ka abuuray xuquuqda ardayda xijaaban.