Tuesday, October 27, 2026

Netanyahu Oo Walaac ka Muujiyay Doorashada Kuna Eedeeyay Carabta Israel Inay Wadan Qorshe Lagu Dhaafinayo Kursiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Doorashada Israa’iil; Netanyahu ayaa walaac ka soo bandhigay Carabta deggan dhulka la haysto ee qaybta ka ah Israa’iil, kuwaasoo uu sheegay inay waayeeladooda xitaa usoo wadeen goobaha cod bixinta , si ay isaga doorashada u dhaafiyeen.

Nataniyahu ayaa sidoo kale ku eedeyay carabta inay iskudayayaan inay doorashada xadaan, isla markaa wuxuu taageerrayaashiisa u sheegay inaysan doorashada u kala harin oo waayeelka xataa usoo wadaan goobaha cod bixinta.

Hadalkan ka dib, waxaa soo baxay xisbiga Joint List ee ay taageeraan inta badan dadka Carabta ah ee Israa’iil iyo hoggaamiyihiisa Yousef Jabareen oo Netanyahu ku eedeeyay inuu kicinayo naceybka ka dhanka ah muwaadiniinta Carabta, isla markaana su’aal gelinayo xaqa ay u leeyihiin inay codeeyaan oo ay saameyn ku yeeshaan siyaasadda dalka.

“Netanyahu, waxaad weli dadka Carabta ah ku kicinaysaa naceyb, waxaadna shaki gelinaysaa xaqa ay u leeyihiin inay codeeyaan oo ay saameeyaan jihada siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri Jabareen.

Wuxuu intaa ku daray; “Dadka Carabtu waxay yaqaannaan sida ay maanta kuu ciqaabi lahaayeen, adiga iyo dowladdiinna dhiigga ku daatayna guryihiina idiinku diri lahaayeen.”