Tuesday, October 27, 2026

Somaliya Oo Beenisay in Diyaaradaha Turkiga ay Duqeeyeen Ciidamada Xooga Dalka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ama diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan ee Turkiga ay 26-kii Oktoobar weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Leego.

Xafiisku wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sax ahayn oo marin-habaabin ah, isagoo caddeeyay in ciidamada Soomaaliyeed aysan marna si qalad ah u bartilmaameedsan diyaaradaha Turkiga.

Sidoo kale, Xafiiska Amniga Qaranka ayaa sheegay in iskaashiga muddada dheer ee Soomaaliya iyo Türkiye uu weli xooggan yahay, isla markaana uu diiradda saarayo la-dagaallanka argagixisada, xoojinta amniga qaranka iyo soo celinta nabad waarta.

Xafiisku wuxuu ugu baaqay warbaahinta, dadka isticmaala baraha bulshada iyo shacabka inay ku tiirsanaadaan xog la xaqiijiyay, ayna ka fogaadaan faafinta warar aan sal iyo raad lahayn oo dhaawici kara kalsoonida shacabka iyo niyadda ciidamada amniga.