Thursday, October 29, 2026

Somaliya Oo ka mid Noqotay 33 Dal Oo loo Oggolaaday In Badeecadaha Canshuur La’aan ku Geyn karan Yurub.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 33 dal oo loo oggolaaday badeecadaha iyo wax soosaarkooda si aan cashuur lahayn inay ku galin karaan suuqyada dalalka Midowga Yurub.

Sidoo kale badeecadaha laga qaado Soomaaliya ayaa loo oggolaaday si aan xadidnayn in lagu geeyo Yurub, tallaabadan oo la sheegay ganacsatada Soomaaliyeed inay u sahlayso badeecadahooda geeyaan suuqyada Yurub, kobciyaan ganacsigooda, ayna helaan macaamiil cusub, sida uu maanta sheegay xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.