Thursday, October 29, 2026

Somaliya Oo Xoojinaysa Xiriirka ay la Leedahay Kiristanka Vatican-ka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Zambia marwo Luul Xasan Maxamed ayaa sheegtay in ay kulan midho dhal ah la qaadatay Archbishop Gian Luca Perici kaas oo ah baadariga Vatican u qaabilsan waddamada Zambia iyo Malawi.

Qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Safaaradda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Baadariga iyo Safiirku wada qaateen kulan midho dhal ah kaas oo dirada lagu saaray arrimaha u dhexeeya labada dhinac.

Hase yeeshee, kulankan ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan nooca xiriirka ay safaaraddu tilmaantay in la xoojinayo, iyo fursadaha iskaashi ee ka dhexeyn kara Soomaaliya iyo Vatican-ka.

Muxuu yahay xiriirka ay safaaraddu sheegtay in la xoojinayo, maxaase iskaashi ah oo Soomaaliya iyo Vatican-ku ka yeelan karaan arrimaha diblomaasiyadda?