Saturday, October 31, 2026

Kenya Oo Sucuudiga ka Dalbatay inay Dib u eego Xayiradii Dhinaca Safarka Ee Lagu soo Rogay

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Kenya ayaa dalka Sucuudi Carabiya ka codsatay in uu dib u eego xayiradii dhinaca safarka ee dalka Kenya uu ku soo rogay.

Kenya ayaa qirtay in dalkeeda lagu arkay cudurka Ebola waxayse sheegtay in lala tacaalay kiisaskii la arkay iyada oo Sucuudigana ka dalbatay in uu meesha ka saaro caqabadaha ka iman kara digniinaha uu ka bixiyey dadka waddankiisa imanaya ee ka soo safraya Kenya.

Cudurka Ebola ayaa dhawaan soo gaadhey dalka Kenya isaga oo aan gaadhin xaalad xad ka bax balse dalalka qaarkood ayaa bilaabay in ay baadhitaan ku sameeyaan dadka ka imanaya waddanka Kenya.