Monday, November 2, 2026

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Hawlgal ku Fuliyay Shirkadaha Korota Bixiya Ee Kordhiyay Qiimaha

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidanka Booliska Somaliland, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran, isla markaana hawlgal ka fuliyey qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga korontada, kaddib markii shirkadahaasi ay diideen in ay yimaaddaan Xarunta Baadhista Dambiyada, isla markaana ay jebiyeen wareegtadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu cayimay qiimaha laydhka iyo sidoo kale awaamiirtii Komishanka Tamarta JSL.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu si cad u beeninayaa wararka ay warbaahinta ku baahisay shirkadda Indho-birta, kuwaas oo aan ku salaysnayn xaqiiqada dhabta ah ee hawlgalka.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu masuul ka yahay ilaalinta sharciga, fulinta xeerarka dalka iyo sugidda amniga guud. Sidaas darteed, waxa waajib ku ah muwaadin kasta, shirkad kasta iyo cid kasta oo ka hawlgasha Jamhuuriyadda Somaliland inay u hoggaansamaan shuruucda iyo awaamiirta dalka u dejisan