Dowladda Hindiya ayaa shaacisey in ay xoog kaga furatay burcad-badeedda Soomaalida markabka Azini oo laga leeyahay dalka Iiraan, kaas oo ay saarnaayeen labaataneeyo shaqaale Hindi ah, sida oo kale waxa ay gacanta ku dhigtay qayb ka mid ah burcadda.
Wasiirka Difaaca Hindiya, Rajnath ayaa sheegey in ay howlgal bad & cir ah ku furteen markabka ayna sii wadayaan in ay tallaabooyin adag ka qaadaan guud ahaan burcad-badeeda Soomaalida,isla markaana markabka iyo shaqaalihiisa laga soo furtay burcad-badeed hub culus ku hubaysan.
Hindiya ayaa gacanta ku haysa boqolaal burcad-badeed Soomaali ah, kuwaa oo u badan deegaannada Puntland.
Xukuumada Puntland ayaa ku guuldaraystay iyadu xataa inay ka warbixiso doontaan iyo xaaladeeda, halka dawlada Hindiya ay ku faanaya waxqabadka ay ka qabatay xeebaha Puntland.
