1
Xaalad dagaal xoogan ayaa laga soo warinayaa in magaalada Beledweyne,xarunta gobolka Hiiraan uu ka bilawday, iyadoo gudaha magaalada laga maqlayo hub culus oo la isku adeegsanayo.
Xaaladdan ayaa soo korortay kadib markii maanta magaalada ay si kala gooni-gooni ah ku gaareen Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdulfataax Afrax, iyo Xildhibaan Sanbaloolshe, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed iyo xiisad amni oo ka taagan gobolka.
Ilaa hadda faahfaahin rasmi ah lagama hayo sababta dagaalka iyo xaaladda dhabta ah ee magaalada.
