Monday, November 9, 2026

M/Deni Oo Maamulo u Magacaabay Magaalooyin ka Tirsan Sanaag Oo Degmooyin Uu ka Dhigay Dhawaan

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Puntland ayaa maamul u magacaabay magaalooyinka Ceelbuh & Baraagaha-qol ee Sanaag iyo Hayland oo dhawaan uu ka dhigey degmooyin.

Guddoomiyaha Degmada Baraagaha-qol ee Gobolka Haylaan, waxa loo magacaabay; Cabdisalaan Qaalib Dalmar Ciise, halka Yaasiin Ceegaag Maxamed Yuusuf loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Baraagaha-qol.

Guddoomiyaha Degmada Ceel-buh ee Gobolka Sanaag, waxa loo magacaabay; Maxamed Axmed Cali , halka Cali Faarax Ismaaciil loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Ceel-buh.