Guddoomiyaha xilka qaadistiisa muranku ka taagan yahay Baashe Yuusuf iyo Lix Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa warqad dacwad ah oo ka dhan Madsxweynaha waqtigiisu dhammaday ee Xasan Sheekh Maxamuud, sida Maxkamadda Sare xukuntay gaarsiiyay Maxkamadda Caddaaladda ee Ururka Bulshada Afrika, (EACJ) ee ku taal Caruusha.
Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan inuu ku tuntay dastuurka, dil iyo hanjaabada kalana ugu goodiyay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.
Garsoorayaasha ayaa ka dalbaday Maxkamadda Caddaaladda ee Bulshada Bariga Afrika in la dhaqangeliyo qaanuunka iyo Axdiga Bulshada Bariga Afrika, tallaabada sharci ee ku habboonna laga qaado Madaxweynaha waqtigiisu dhammaday ee Soomaaliya.
